Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa maanta dhoolatus aad u weyn oo uu kaga qayb galayo ololaha doorashada ku soo bandhigay gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.
Kumanaan iyo kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa gobolada iyo degmooyinka dalka ka sameeyey isu-soo-baxyo waa weyn oo mahrajaanno indho-daraandar ah.
Waxaana taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo aan farahooda la qiyaasi karin, ay socod ku mareen jidadka, suuqyada iyo xaafadaha magaalooyinkaas, kuwaas oo markii dambey isugu soo biyo-shubtay fagaarayaasha khayriyada ee gobolladaasi.
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa kala qayb galay dhoolatuska isku soo baxa ololaha, xubno ka mid ah golaha Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Golaha Wasiirrada xukuumadda, Xildhibaano, maamulka magaalooyinkaas iyo madaxda ololaha xisbiga Kulmiye.
Masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga oo taageerayaasha kala hadlay fagaarayaasha magaalooyinka dalka, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaanay ku adkeeyeen inay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyaan xisbiga iyo murrashaxiintiisa.
Magaalada Hargeysa
Magaalada Berbera
Magaalada Boorama
Magaalada Gabiley
Magaalada Wajaale
Magaalada Balligubadle
Magaalada Kalabeydh
Magaalada Oodweyne
Magaalada Sheekh
Magaalada Dilla
Degmada Qoolujeed