Xisbiga Kulmiye oo caawa munaasibad soo dhaweyna u qabtay Dallada Talo-kaab

0
1087

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa caawa munaasibad ballaadhan oo soo dhaweyn ah ku qaabilay Dallada Dhallinyarada TALO-KAAB oo ay ku bahoobeen dhallinyaro ka soo jeedda gobollada Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saaxil, taas oo si rasmi ah ugu soo biirtay xisbiga.

Munaasibadda soo dhaweynta dallada Talo-kaab, waxa ka qaybgalay xubnaha hoggaanka xisbiga oo uu gadh-wadeen u yahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, qaar kamid ah golaha wasiirrada, haldoor iyo siyaasiyiin ka tirsan golaha wasiirrada, hoggaanka iyo taageerayaasha dallada Talo-kaab, waxana munaasibadda laga sheegay baaxadda iyo cududda ay dhallinyaradani ku leedahay guud ahaanba deegaannada ay ka soo jeeddo.

Xubno ku hadlay afka dallada TALO-KAAB oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah ugu biireen xisbiga KULMIYE, taageero luxdan iyo cududna la garab geli doonaan murrashaxiinta xisbiga ee jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE iyo madaxda garabada haweenka ee xisbiga oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey dallada TALO-KAAB ee xisbiga ku soo biirtay, waxana ay sheegeen inay wax weyn xisbiga kusoo kordhin doonaan.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha, Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday sida ay xisbi ahaan ula dhacsan yihiin taageerada laxaadka leh ee ay dalladdani ku soo kordhin doonto xisbiga.

Waxana uu dhallinyarada xubnaha ka ah dallada u soo jeediyay inay kaalintooda ka galaan dedaalka xisbigu ugu jiro inuu mar kale talada waddanka ku soo noqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here