Xisbiga KULMIYE Oo Bogaadiyey Go’aankii Axsaabta Qaranku Kaga Heshiiyeen Murankii Qabsoomidda Doorashooyinka Ka Taagnaa, Kana Hadlay Arrinta Saami-qaybsiga

0
775

Hargeysa (HargeisaPress)-Xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa bogaadiyey go’aankii ay dhawaan hoggaanka saddexda xisbi qaran heshiiska kaga gaadheen caqabadihii ku gedaannaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ka digay in la curiyo caqabado cusub oo dhib ku noqon kara doorashooyinkaas muddada la sugayey.

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad) oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa muujiyey sida uu xisbiga KULMIYE usoo dhaweynayo heshiiskaas hoggaanka axsaabta qaranku gaadheen, isaga oo si gaar ahna u bogaadiyey madaxda labada xisbi mucaarid ee sida waddaniyadda leh uga garaabay muhiimadda ay qabsoomidda doorashadu leedahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii aannu nahay xisbiga KULMIYE, waxa aannu taageersannahay go’aankaas saddexda xisbi qaran gaadheen ee guusha ah ee walaaltinimada ah ee qarannimadu ku jirto, waxana aannu leenahay hambalyo, labada xisbi ee WADDANI iyo UCID-na waannu ku hambalyeynaynaa go’aankaas qarannimada ah ee ay nala qaateen, waana ay naga go’an tahay in doorashada la qabto oo ay waqtigeedii dhacdo.”

Dhinaca kale, waxa uu xoghayuhu kasoo horjeestay caqabado uu sheegay in guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiilladu kaga hortegayo qabsoomidda doorashooyinkaas, kuwaas oo uu ku abuurayo jawi cusub ee dib u dhac ku keeni kara qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka “Waxa hadlay guddoomiye-ku-xigeenkii Baarlamaanka ee ay saddexda xisbi qaran usoo gudbinayeen wixii qaranku isla gaadhay, inuu ka hormo-saartoodo oo uu intii Boorama tago uu hadlo oo uu dadka kiciyo may ahayn. Qarankani Baarlamaan buu leeyahay 14-sano ayaan halkan la fadhiyey, doorashooyinkuna waa dimuqraaddiyaddeennii inay qabsoomaannaa saddexdii xisbi qaran baa ku heshiiyey,” ayuu yidhi xoghaye Mustafe Waxdad.

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE waxa uu golaha wakiillada iyo cid kasta oo ay khusaysoba ugu baaqay in qabsoomidda doorashada lagu wada dhiirrada, islamarkaana gacmaha la isu wada qabsado sidii ay doorashooyinkaasi nabadgelyo iyo kalsooni inoogu qabsoomaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here