Wadahadallo u furmay Xisbiga KULMIYE iyo Urur-siyaasadeedka HORSEED

0
1097

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa waxaa uu wadahadallo la furay Urur-siyaasadeedkii Horseed ee ku hadhay doorashadii Somaliland ka dhacday 13 November ee 2024-kii.

Laba guddi oo ka kala socda labada hoggaan ee Xisbiga KULMIYE iyo Ururka Horseed, ayaa yeeshay shirkoodii koowaad oo ka qabsoomay huteelka Daily Dose ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen xubnaha hoggaanka xisbiga iyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), ayaa si wadajir ah u furay shirka koowaad ee wadahadalka xisbiga iyo ururka.

Labadan Guddi ayay kala hoggaaminayeen Guddoomiyeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Ururka Horseed Maxamed Xasan Sh. Muumin.

Kulamadooda, ayaa waxaa ay ku falanqayn doonaan midow dhexmara labada dhinac iyo arrimaha ay ku heshiinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here