Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland ayaa loo qaybiyay waxka-bedelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer lambar 31/2021.
Fadhigan ay yeesheen Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faaraxa, ayaa xildhibaanada xeerkaas shaqaalaha rayidka loogu qaybiyay.
Xeerkan ayaa waxaa uu ka soo noqday golaha Guurtida Somaliland ooh ore loogu gudbiyay.
Isla fadhigaas ayaa waxa shirgudoonka golaha Wakiilladu uu guddi xildhibaano ah u saaray xeerka aaggaga cashuuraha ka caagan, guddidaas oo ahayd shan xubnood ayaa wax ay kaa ahaayeen
Xildhibaan Maxamed Xuseen
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi
Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
Ugu dambayn shirgudoonka golaha Wakiillada ayaa guddidaas xildhibaanada ah oo kaashan doona guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas u soo jeediyay inay xeerkaas soo gorfrryaan, dibna ugu soo celiyaan golaha.