Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu is-casilo

0
1239

Muqdisho (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa weerar culus ku qaaday Madaxweynaha maamulkaasi Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu ku fashilmay hoggaaminta Soomaaliya.

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu is casilo oo uu tidho dadka iyo dadka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid, ayaa sheegay in sistemkii dowladnimada ee saddexda hay’adood ahaa ee Soomaaliya meesha laga saaray oo dhamaan laga dhigay hal xafiis oo madaxtooyada hoostaga.

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo isna ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhaliilo xoogan u jeediyay Maamulka madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku sheegay inay ka dambeeyaan dagaalada sokeeyo, hubka sharci darada iyo daroogada loo soo tahriibiyo Soomaaliya.

Si kastaba, hadalkan ka soo yeedhay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamse ay wajahayaan culeyso adag oo kaga imanaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka daawo muuqaalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here