Xildhibaanad Raaqiya Maxamed Ismaaciil oo lagu soo dhaweeyey Hargeysa

0
1320

Hargeysa (Hargeisa Press)- Raaqiya Maxamed Ismaaciil oo dalka Ingiriiska ka soo ahayd xildhbaanad, kana soo jeeda dalka Somaliland, ayaa waxaa maanta lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport.

Xildhibaanad Raaqiya Maxamed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ku soo dhaweeyay Agaasimaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Dowalada Cumar iid Qaloombi iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha machadka shaqaalaha dowladda Cumar iid Qaloombi oo madasha soo dhaweynta hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay aqoonta Xildhibaanad hore Raaqiya Maxamed iyo xilalkii ay soo qabatay muddadii ay ku jirtay siyaasadda dalka Ingiriiska.

Waxaanu xusay in Xildhibaanad hore Raaqiya Maxamed Ismaaciil ay ka mid ahayd shaqsiyaadkii sida weyn uga qayb qaadan jiray aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.

Xildhibaanad hore Raaqiya Maxamed Ismaaciil oo soo dhawayn teeda ka hadashay, ayaa waxaa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay inay ku soo noqoto dalkeeda Somaliland ee ay u dhalatay iyo dadkeeda.

Raaqiya Maxamed Ismaaciil, ayaa sheegtay in ay muddo 30 sannadood ah ay ku hamiyi jirtay inay mar uun ku soo laabato dalkeeda Somaliland, isla-markaana ay ka qayb ka qaadato siyaasadda iyo horumarka dalka.

Waxana ay Raaqiya si qiiro leh uga sheekaysay wakhtigii ay Somaliland ka tagtay iyo doorarkii laxaadka lahaa ee ay ka qaadatay ictiraaf raadinta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here