Xildhibaan Yaxye Araarse oo ka hadlay Doorashooyinka Somaliland iyo Aqoonsiga

0
1313

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Yaxye Cabdillaahi Araarse oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha Wakiillada, ayaa ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka Somaliland ka qabsoomaan 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Xildhibaan Yaxye Araarse oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad lagu caleema saarayay Jiif Caaqilka cusub ee Beesha Bahgobo, ayaa soo bandhigay muhiimada ay Somaliland u leedahay doorashooyinka iyo nabad geliyadu.

Waxaanu sheegay in doorashooyinka iyo nabad geliyadu ay Somaliland qiimo weyn ugu fadhido isla-markaana cidkasta ay xaq u leedahay inay isa soo sharaxdo.

Sidoo kale, Xildhibaan Yaxye Araarse, ayaa waxaa uu ka hadlay aqoonsiga Somaliland ay dedaalka weyn ugu jirto sidii ay caalamka uga heli lahayd.

Wuxuu soo bandhigay laba arrimood oo ay Somaliland kaga hormartay dalalka caalamka saddexaad, iyadoon aan haysan buu yidhi wax aqoonsi ah.

Wuxuu sheegay in labadaasi arrimood ee ay Somaliland haysato ee ay kaga horumartay dalalka caalamka saddexaad tahay nabad geliyada iyo doorashooyinka.

Xildhibaanka, ayaa baaq culus u jeediyay Xisbiyada qaranka Somaliland, Siyaasiyiinta iyo shacbka, isagoona ugu baaqay in ay ku dedaalaan sidii loo ilaalin lahaa nabad geliyada iyo xasilloonida ay ku caana maashay Somaliland.

https://www.facebook.com/share/v/6N6c8bpkiDKxmRcP/?mibextid=qi2Omg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here