Hargeisa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Mustafe Qodax oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Xildhibaan Qodax ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu badhtanka kaga jiro mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo.
Sidoo kale, xildhibaan Mustafe Qodax ayaa ka hadlay wadahadalada dhexmari doonaa Somaliland iyo Soomaaliya.
Xildhibaan Mustafe Qodax ayaa sidaasi ku sheegay qoraal dheer oo uu arintaasi kaga hadlayo boga xidhiidhka bulshada uu ku leeyahay Facbooga, waxaanu u dhignaa sidan:-
Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo umada Somaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada Somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.
Ka sakow muddo xileedka dawlada Somaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto.
Wadahadal kasta oo Somaliya iyo Somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca Somaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu.
Dhinaca Somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan.
Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.
Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan ummada soomliyeed oo u baahan in farmaajo laga hor dhaqaqjiyo.
Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya inuu indha ummada somaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya somaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale.
Waxan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoobka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N$N waana sida ay doonayeen.