Xildhibaan Maxamed Abiib oo xabsiga laga sii daayay, kadib amar Maxkamadeed

0
3605

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland oo dhawaan xabsiga loo taxaabay, ayaa goor-dhawayd laga sii daayay xabsiga, kadib amar Maxkamadeed.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa si rasmi ah u helay xorriyaddiisa kadib amar ay maanta soo saartay Maxkamadda sare ee Somaliland.

Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa amartay in Xabsiga laga sii daayo Xildhibaan Maxamed Abiib, iyadoo xabsi ku hayntiisa ku tilmaantay sharci darro.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo muddo 30 maalmood ah ku xidhnaa xabsiga Mandheera, ayaa la xidhay xilli uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku maqnaa muddo.

Xildhibaanka, ayaa hore u wajahayay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer-Ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran-dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u-hiilin cadow, iyo ka-hor-imaanshaha danaha qaranka.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay laba jeer cod ku diideen xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib iyo in xasaanadda laga qaado.

Shir-guddoonka golaha Wakiillada, ayaa dhawaan qoraal dacwad ah oo la Xidhiidha kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib u gudbiyay Maxkamadda Sarre ee Somaliland, iyagoona ka codsaday in ay go’aamiso sharciyada uu Xildhibaanku ku xidhan yahay.

Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa qabatay dalabka uu shirgudoonka golaha Wakiilladu u gudbiyay ee ku aadan kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib, iyadoona ugu dambayntii maanta go’aan ka gaadhay xadhiga Xildhibaanka, isla-markaana amartay in la sii daayo.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa waxa uu noqonayaa xildhibaankii labaad ee lagu xidho Somaliland, kadibna lagu sii daayo amar Maxkamadeed.

2019-kii, Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsanaa xildhibaanadii hore ee golaha Wakiillada, ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee ay Somaliland xidho.

Xadhiga Dhakool, ayaa waxaa diiday Maxkamadda, iyadoona xildhibaanka sideed iyo afartan maalmood kadib lagu la sii daayay.

Hoos ka akhriso amarkii Maxkamadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here