Hargaysa (HP): Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa soo dhaweeyay tallaabadda ay xukuumadda Somaliland magaaladda Laascaanood kaga raafayso dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya.
Waxaanu sheegay in hawl galkaasi uu yahay mid lagu sugayo amaanka bulshadda reer Sool oo tobankii sanadood ee u danbeeyay haldoorkoodda iyo waxgaradkooda loo gaysanayay dilal aan raadkoodda la helin.
Xildhibaan Batuun, oo ka mida golaha Wakiiladda Somaliland isla markaana ah af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa uu tilmaamay in ay ka xisbi ahaan si weyn u taageersan yihiin talaabadaasi ay xukuumadu ka fulisay Laascaanood.
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay masuuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya oo Somaliland ku canbaareeyay talabaadaasi ay Laascaanood kaga saartay dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya.
DAAWO: XILDHIBAANKA OO ARRIMAHAASI KA HADLAYA:
https://youtu.be/dAWCqJzD5L4
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.