Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka hadlay dacwada laga-gudbiyay Xildhibaan Maxamed Abiib

0
1331

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah Xildhibaanada aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si kulul uga hadlay dacwada xilka xayuubinta ah ee laga gudbiyay Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xeer ilaalinta guud ee qaranka Somaliland, ayaa dacwad ay ku dalbanayso in xilka lagaga qaado Xildhibaan Maxamed Abiib u gudbiyay guddoonka golaha Wakiillada.

Warqad uu ku saxeexan yahay Garyaqaanka guud ee Somaliland ayay xeer ilaalintu ku codsatay in xilka laga xayuubiyo Xildhibaan Maxamed Abiib, iyadoona soo jeediysay in xilka laga xayuubiyo Xildhibaan.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun qoraal kooban ku baahiyay boggiisa X (Twitter), ayaa sheegay in waxa lagu haysto Xildhibaan Maxamed Abiib tahay dhaliilaha uu xukuumadda u jeediyo iyo ka hadalka masiirka umadda.

Barkhad Batuun, ayaa golaha Wakiillada u soo jeediyay in ay Xildhibaan Maxamed Abiib difaacaan oo goluhu waajibkiisa qabsado.

“Arrinta Xildhibaan Maxamed Abiib waxa lagu haysta sow maaha Mas’uuliyaddii lagu doortay ee aheyd metalaada dadka iyo ka hadalka masiirka umadda jooji oo juuq xukumadda ha u odhan hana la xisaabtamin? Gollaha Wakiiladdu waajibkiisa ha qabsado Xildhibaankana ha difaaco dulmi dida.” ayuu yidhi Xildhibaan Barkhad Batuun.

Dacwada laga gudbiyay Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa waxaa ka falceliyay Siyaasiyiin iyo Xildhibaano, iyagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali karin iyo talaabo aan meelmar ahayn.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa la sheegay in lagu eedeeyay dacwado ay ka mid yihiin inuu Jabuuti kula kulmay madax ka tirsan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here