Xildhibaan Axmed Ini oo beeniyay inuu iska-casiley guddida ololaha Xisbiga Kulmiye

0
1537

Hyderabad (Hargeisa Press)- Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini) oo ka mid ah Xildhibaanada aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa uu beeniyay in uu iska casilay Guddida ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiley oo uu ka mid ahaa xubnaha guddidaasi.

Warar lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa tibaaxay in Xildhibaan Axmed Ini uu iska casiley xilka Guddida ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiley.

Hadaba, Xildhibaan Axmed Ini oo ku sugan magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya, ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in uu iska casiley Guddida ololaha gobolka Gabiley ee xisbiga Kulmiye.

Xildhibaan Ini, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in aanay jirin haba yaraatee meel uu ku sheegay inuu iska casilay xilkaasi iyo xisbi kale oo uu ku biiray.

Wuxuu sheegay in cida warka aan jirin ka faafisay ay tahay cid been abuur ka samaysay.

Xildhibaanka, ayaa xusay in dalka Hindiya uu u tagay arrin caafimaad oo isaga u gaar ah, isagoona tilmaamay in hadii uu is casilayo uu si cad u soo bandhigi lahaa.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in marka uu ka soo laabto dalka Hindiya uu dacweyn doono cidii ka faafisay warka been abuurka ah.

Xildhibaan Axmed Ini oo Shabakada HargeisaPress u waramay xili uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, ayaa noo xaqiijiyay in uu Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed u gudbiyay codsi uu kaga cudur-daaranayo Guddida ololaha Kulmiye ee lagu daray, sababo la xidhiidha arrin caafimaad oo uu ugu baxayo dalka Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here