Addis Ababa (Hargeisa Press) – Ciidamada Itoobiya, ayaa sheegay inay heegan buuxa uggu jiraan sidii ay ku difaaci lahaayeen wajiga labaad ee buuxinta biyo xidheenka aadka u weyn, ee wabiga nile-ka, sidaasi waxaa qortey warbaahin taageerta dowladda.
Gen Asrat Denero, oo ah madaxa qeybta Metekel ee gobolka Beninshangul Gumuz, halkaa soo uu ku yaallo biyo xidheenka, ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen saacad walba buux samidda biyo xidheenka.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa kala soo baxay ciidamada gobolka Tigray toddobaadkii hore, si uu wakhti uggu helo sida uu sheegay arrimaha kale ee dowladdiisa mudnaanta u leh.
Itoobiya, ayaa sheegtay inay qorsheynayso inay buuxiso biyo xidheenka, inkastoo ay taasi cabasho ka muujiyeen dalalka Sudan iyo Masar, iyagoo ka cabsi ka qaba in talaabadani ay hoos u dhigto qaybta ay ka helaan qulqulka biyaha wabiga Nile-ka.