Xeer-ilaalinta Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay qoraalkii Guddida Joogtada

0
2426

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xeer-ilaalinta guud ee qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay soo saartay qoraal ku taariikhaysan 27 July 2024, kaas oo ay mar kale ku socodsiisay galaha Wakiillada Somaliland.

Xeer-ilaalinta, ayaa ku tilmaantay qoraalkii Guddida joogtada iyo anshaxa ee fadhigii golaha laga akhriyay midaan waafaqsnayn sharciga sidaa awgeed golaha laga sugayo innay go’aan ka gaadhaan soo jeedinta maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib.

Hase yeeshee, Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa soo bandhigay qoraal ka soo baxay Xeer-ilaalinta qaranka Somaliland oo la xidhiidha kiiska maamuus ka xayuubinta ee todobaadkan gollaha Wakiilladu awoodi waayay innay go’aan ka gaadhaan. Kaddib markii la waayay tiradii loo baahnaa, wallow mudaneyaasha lagu wargeliyay fadhi aan caadi ahayn.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa dhankiisa ka hadlay qoraalka danbe ee Xeer-ilaalinta oo lagu duray gudidda, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartisa Facebook ku yidhi, sidan:-

“Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa uu iiga markhaati furay doodii aan hore u sheegnay ee ahayd in Golaha Wakiillada keligood ay awood u leeyihiin inay ka go’aan gaadhaan xasaanadda xildhibaanada. Nasiib daradu se waxa ay tahay in ay iyagu dabada ka riixayeen in Gudida loo geeyo. Markii ay gudidii ku gar waayeen ayay leeyihiin maba ahayn in guddidu gasho. Waxa keliya ee u banaan xeer-ilaalintu waa inay la noqoto dacwadda aan salka iyo raadka toonna lahayn ee siyaasadaysan.” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ku sheegay qoraalka in Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah uu ku diidi doono wuxuu ku tilmaamay dacwadda siyaasadaysan ee aan xeer iyo xaqiiq toonna ku fadhiyin.

Hoos ka akhriso qoraalka xeer-ilaalinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here