Xasan Sheekh: “Itoobiya waxay qabsatay qayb kamida Soomaaliya, kadib heshiiskii Somaliland”

0
1718

Muqdisho (Hargeisa Press)-  Madaxweynaha maamulka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefeshinka Al-jazeera, ayaa sheegay in Itoobiya ay qabsatay qayb ka mid ah Soomaaliya, kadib heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga gobolka Gedo ay qabsadeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi.

Sidoo kale,  wuxuu Itoobiya ku eedeeyay inay hub soo gelisay gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay ku wareejiyeen maleeshiyaad qabaa’il oo gudaha ku sugan, sida uu ku andacooday.

Xasan Sheekh, ayaa sida uu ku andacooday sheegay in tallaabooyinkan ay bannaanka keeneen farogelin uu tilmaamay in weligeed ay Itoobiya ku haysay arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wareysiga ayuu kaga calaalay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee badda ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, isagoo ku dooday inay Soomaaliya meel adag ka istaagay heshiiska.

“Itoobiya kaliya ma sheeganaysaa waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragelin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxeexday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaalla hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay Itoobiya si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee ku yaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here