Cirro oo xabsiga ku booqday Xildhibaan Maxamed Abiib

0
1571

Hargeysa (Hargeisa Press)- Musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta xabsiga Mandheera ku booqday Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo xukuumaddu xabsiga u taxaabtay.

Cabdiraxmaan Cirro oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa ka warbixiyay xaaladda xildhibaanka, wuxuua sheegay inuu ugu tegay xabsiga wayn ee Mandheera.

“Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay xabsiga weyn ee Mandheera oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Cirro, ayaa sheegay inuu ballanqaadayo inuu garab istaagi doono Xildhibaan Maxamed Abiib, ka xisbi ahaan iyo musharrax ahaanba, si uu u hello buu yidhi cadaalad.

Sidoo kale, wuxuu ku andacooday in la sameeyay dastuur jebin, isla-markaana xadhigga xildhibaanka ay ka xumaadeen guud ahaan ummadda reer Somaliland.

“Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jebinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay” ayuu yidhi.

Waxaa kale oo uu sheegay in ujeedka arrintan ka dameysaa ay tahay sida uu ku dooday, in afka la qabto Xildhibaan Maxamed Abiib oo uu u amaanay inuu yahay xildhibaan codkar ah, dulmidiid ah.

“Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo” ayuu yidhi Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Shir-guddoonka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhawaan qoraal dacwad ah oo la Xidhiidha kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib u gudbiyay Maxkamadda Sarre ee Somaliland, iyagoona ka codsaday in ay go’aamiso sharciyada uu Xildhibaanku ku xidhan yahay.

Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa qabatay dalabka uu shirgudoonka golaha Wakiilladu u gudbiyay ee ku aadan kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ku xidhan xabsiga Mandheera, ayaa la xidhay xilli uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku maqnaa muddo.

Xildhibaanka, ayaa hore u wajahayay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer-Ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran-dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u-hiilin cadow, iyo ka-hor-imaanshaha danaha qaranka.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay laba jeer cod ku diideen xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib iyo in xasaanadda laga qaado.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa waxa uu noqonayaa xildhibaankii labaad ee lagu xidho Somaliland.

Hore, Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsanaa xildhibaanadii hore ee golaha Wakiillada, ayaa sanadkii 2019kii noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee ay Somaliland xidho.

Xadhiga Dhakool, ayaa waxaa diiday Maxkamadda, iyadoona xildhibaanka sideed iyo afartan maalmood kadib lagu la sii daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here