Xasan Sheekh: ‘’Itoobiya waxan isku haysannaa siday Badda ku gaadhayso”

0
2170

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xiisada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa heshiiskii isfahan ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Xasan Sheekh, ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ayna isku haysan in Itoobiya badda gaadho, balse ay isku haystaan sida ay Itoobiya badda ku soo gaadhayso ama wadada ay u soo marayso.

“Waxaan isku haysanaa sidee Itoobiya badda ku soo gaadhee. Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waxaan rabaa in aan markale u caddeeyo Itoobiya haddii ay dooneyso xeebaha Soomaaliya soo gaadho waa soo dhaweynayna,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabnaa in ay u soo gaadho sida Uganda ay xeebta Kenya u soo gaadho, sida Burundi iyo Rwanda u gaadhaan xeebta Tanzania, iyo sida Itoobiya laftigeeda xeebta Jabuuti u gaadho oo xeebta Kenya u soo gaadho oo kale ay Soomaaliya u soo gaadho.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in wax ka duwan midaasi ayna yeelayn Soomaaliya, islamarkaana sida keliya ee Itoobiya baddeena ku soo gaadhi karto ay tahay hab lamid ah kuwa dalalka deriska oo kale.

“Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaadho, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaadhaysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

“Soomaaliya mushkilad ma qabto, wax intaas ka duwan ma yeelayno, wax Soomaaliya u gaar ah oo isticmaalka baddeeda u gaar ah oo dal deris iyo mid fogba midba ka leeyihiin marnaba ma dhaceyso.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sida muuqata diidan in Itoobiya la siiyo qeybo ka mid ah biyaha Somaliland, balse wuxuu ogol yahay in heshiis dekedeed la siiyo Itoobiya, si ay uga baxdo baahida badda, sida dalalka jaarka oo kale.

“Adduunyadu xeerar ayay leedahay oo ay ku dhaqanto oo dowladdaha ka dhaxeeya oo mushtamaca adduunka ku wada nool yahay, Soomaaliyana taas ay kamid tahay una hoggaansan tahay.” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here