Xarunta Xuquuqul Insaanka Oo Ka Hadashay Laba Telefishan Oo Xukuumada Somaliland Xidhay

0
882

Hargeysa,(HargeisaPress)—Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xayiraada la saaray telefishanada madaxa banaan ee Eryal iyo Horyaal. 

18, Juun 2019 Booliiska Somaliland waxay albaabada u laabeen xarumaha telefishanada madaxabanaan ee  Eryal iyo Horyaal. Amar ka yimi wasiirka wasaarada Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye, awgii.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xayiraadaas oo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda ee uu damaanad qaaday dastuurka Somaliland.

Ma jirto wax dacwad ah oo hore loo ogaysiiyay labdadaas telefiishan, lamana siin fursad ay isku  difaacaan. Xayiraadaha ay dowladdu saarto telefishanada madaxa banaan waa dhibaato xuquuqal insaan oo leh welwelkeeda. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay dimoqraadiyadda.

Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Xayiraada telefishada Horyaal iyo Eryal waxay xadgudub cad ku tahay xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:

  • Inay xayiraadda ka qaado labdabada telefishan Eryal iyoHoryaal oo ay ogolaato inay hawshooda wataan
  • Inay joojiso ficil kasta oo waxyeelo ku ah madaxbanaanida warbaahinta.

 

Yasmin Omar Haji Mohamoud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

http://www.hrcsomaliland.org/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here