Xarunta Kobcinta Dhirta Oo Laga Hirgelinayo Somaliland

0
550

Caynaba (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa maanta kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Saraar.
Kormeerkaasi ayay u jeedadiisu ahayd ukuur-galka xaalada uu ku sugan yahay deegaanku iyo dedaalada lagu badbaadinaayo deegaanka ee ay ku hawllan tahay wasaaradda deegaanku.
Waxaana kormeerkaasi agaasimaha guud ku wehelinayay maamulka gobolka Saraar, iyo masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee gobolkaasi.


Geesta kale, agaasimaha guud uu dhagax dhigay xarun lagu kobcin doono dhirta kala duwan ee isugu jirta Calafka xoolaha, Midhaha, Hadhka iyo Quruxdaba, oo uu yeelan doono gobolka Saraar.
Waxaana wasaaradda deegaanka xaruntan la dhagax dhigay hirgelinteedda ka caawisay haayadda Save the Children.


Sidoo kale waxaa laba xarumood oo lagu kobciyo dhirta laga hirgelin doonaa deegaamadda Ceel-Afweyn iyo Shukro oo ka tirsan degmadda Ceerigaabo.
Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka C/naasir Axmed Xirsi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here