Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo maamuustay shaqsiyaadkii ka qayb-qaatay Bandhigga Buugaagta

0
1080

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa si qiimo leh u maamuustay shaqsiyaadkii kala duwanaa ee sida hagar la’aanta ah uga qayb-qaatay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, kaasi oo lagu soo gabogabeeyey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo sannadkan galay kalkiisii 17aad, ayaa habeenimadii xalay lagu soo gabogabeeyey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu lixdii cisho ee ugu dambeeyay si xidhiidh ah uga socday Habeen iyo Maalinba.

Bandhigga 17aad oo Sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay “Is-ahaansho”, ayaa wuxuu si gaar ah sannadkan uu Marti ugu ahaa Dalka Tunisia.

Bandhigga, ayaa lixdii cisho ee uu socday lagu soo bandhigay Dood-cilmiyeedyo, kuwo dhaqan, Suugaan, Buugaag kala duwan iyo wax badan oo aqoonta iyo kobcinta garaadka la xidhiidha.

Munaasibaddii xalay lagu gabogabeeyay Bandhigga, ayaa waxaa ka soo qaybgalay wufuud Ajaanjb ah oo ka kala yimi illaa 16 Waddan oo dunida ah, Qorayaal, Aqoonyahanno, Cilmi-baadhayaal, Abwaanno, Hal-abuurro iyo Sugaanyahanno kala duwan iyo kumannaan qof oo qaybaha kala duwan ee bulshada ka tirsan.

Madaxda Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu hormuud u yahay Guddoomiye Jaamac Muuse Jaamac, ayaa xidhitaanka munaasibada, kadib waxaa uu halkaasi abaalmarino qiimo leh ku guddoonsiiyay, Shaqsiyaad dedaal iyo karti muujiyay oo qayb ka ahaa hawlaha Bandhiggan 17aad ee Buugaagta Hargeysa.

Xarunta, ayaa sidoo kale waxa ay Shahaadooyin ku guddoonsiiyay 40 Arday oo todobaadyadii u dambayay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku baranayay qoraal-curinta toolmoon iyo culuum kale, kuwaas buuxiyay shuruudaha waxbarasho ee looga baahnaa muddadii tabobbarradu socdeen.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ah ka ugu ballaadhan ee noociisa ah ee ka qabsooma gobolka Geeska Afrika, ayaa sannadkasta lagu qabtaa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, kaasi oo lagu martiqaado dalalka caalamka, isla-markaana loo asteeyo hal-ku-dheg u gaar ah.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Ururka Redsea Culutural Foundation, ayaa markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Hargeysa sannadkii 2008-dii, waana Bandhigga ugu ballaadhan Buugaagta ee lagu qabto dalalka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here