Hargeysa (Hargeisa Press)- Xannuunka Xumadda oo Saamayn ba’an ku keenay bulshada Somaliland sannadkii hore, ayaa xilligan kulaylaha ah Soo laba-kaclaysay, waxaana jira bukaano tira badan oo xilligan u jiifa cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Xannuunka Xumaddda Kaneecada (Dangue Fever) Oo sannadkii hore si xawli ah ugu fiday dalka isla markaana galaaftay nolosha dad badan, ayaa dib u soo laba-kacleeyey xilligan Gu’ga Oo Cimiladu kulayl iyo Qoyaan badan Leedahay.
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladaha xanuunka Dengue oo dalka ku soo badanaya.
Xildhibaanku wuxuu walaac ka muujiyay sida ay xukuumaddu u maareysay xaaladda xannuunkan oo ay kaneecadu faafiso.
Waxaa uu sheegay in Cisbitaalada waaweyn ay buux dhaafiyeen bukaanada xannuunkan la il-daran islamarkaana aanay lahayn awood ay wax uga qabtaan, waxaanu intaas ku daray in dadka ay dhibaatadu saameysay intooda badan aanay iibsan karin dawooyinka qaaliga ah.
“Xaaladdu gabi ahaanba ma sahlana. Cisbitaallada ayaa buuxa, dadkuna waxay hor jiifaan qolka gargaarka degdegga ah, waa xaalad aad u xanuun badan. Marka Cisbitaalka lagu geeyo, waxa kugu khasab ah inaad wax walba lacag ka bixiso,” ayuu yidhi Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo warbaahinta la hadlay.
Xildhibaan Batuun, wuxuu sheegay in dadka u dhimanaya qandhada Dengue ay aad u badan yihiin, isla markaana ay jiraan kiisas tiro badan oo xanuunkan ah oo la soo wariyey.
Qandhada Dengue oo ay faafiso kaneecada, ayaa ah halka ay ka dilaacday xannuunkan iyo dhimashada dad aan tiradooda la cayimin oo gudaha dalka ugu geeriyooday.
Dabayaaqadii sannadkii hore illaa horraantii sannadkan, ayaa xannuunkani saamayn ba’an ku yeeshay bulshada Somaliland, waxaana u geeriyooday Dad Badan oo Waayeel iyo Dhalinyaro u Badan.
Maxaa Laga Ogyahay Xumadda Dengue?
Xumadda ama Qandhada Dengue waa cudur ay kaneecadu keento, waxaanu inta badan ka dillaacaa Dhulka Kulaylka ama haddii aynu si kale u dhigno Waddamada dunida ee ku yaalla Dhul-badhaha ama kuwa ku yaalla Kulaylaha Woqooyi iyo Kulaylaha Koonfureed. Xannuunkani kuma badna dhulka qabowga ah. Qandhada Dengue marka ay meel-dhexaadka tahay, waxa ay sababtaa xumad xoog ah iyo calaamado kuwa hargabka oo kale ah. Balse waxa jira marka ay sii xoogaysato Xumaddani oo loo yaqaano Hemorrhagic Fever (Xumadda Dhiig-baxa), waxay sababtaa dhiig-bax daran, hoos u dhac degdeg ah oo ku yimaadda Cadaadiska Dhiigga iyo xataa Dhimasho. Astaamaha nooca dambe ee xannuunkan waxa lagu arkay magaalada Hargeysa oo Dad isugu jira waayeel iyo Dhalinyaroba ugu geeriyoodeen, kaddib markii Afka iyo Sanka Dhiig ka yimi.
Sannad kasta waxa dunida ka dhaca malaayiin xaaladood oo ah caabuqa Dengue, waxaanay xumaddani ku badan tahay dalalka Koonfur-bari ee Qaaradda Eeshiya, Galbeedka Jasiiradaha ku yaalla bad-weynta Pacific, dalalka Latin America iyo qaarkaad Afrika. Haseyeeshee, sannadihii u dambeeyey waxa uu xannuunku ku sii fiday meelo cusub oo ka mid ah qaaradaha Yurub iyo Koonfurta dalka Mareykanka.
Ilaa hadda ma jiro tallaal u gaar ah xannuunkan, balse khubarada caafimaadka adduunku wali way ku hawlan yihiin tallaalka xumadda Dengue. Xalka kaliya ee wakhtigan loo hayo ama meelaha xilligan ay ku badan tahay qandhada Dengue, siyaabaha ugu fiican ee looga hortagi karo xannuunka, ayaa ah in laga hortago qaniinyada kaneecada iyo in la qaado tallaabooyin lagula dagaalamayo taranka kaneecada.