Rio de Janeiro, (HargeisaPress) —Waxaa garoonka Maracana ee magaaladda Rio de Janeiro, Brazil ka dhacday xafladda furitaanka ciyaaraha sanadkan ee olimbiga.
Waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay dhaqanka dalkaasi iyo sida ay u kala duwan yihiin qowmiyadihiisa.
Ciyaartooy matalaysa in ka badan laba boqol oo dal ayaa hor maraya dadka garoonka ku sugan.Qaban qaabiyayaasha ciyaarahan ayaa rajeynaya in tartamada ay sare u qaadi doonaan dareenka dalkan wajahaya dhaqaale xumida iyo xiisadda siyaasadeed.
Inkastoo ay ka tiro badnaayeen dadka ciyaaraha ku faraxsan, ayaa haddana waxaa dibedbaxyo sameeyay dad ka caraysan kharashka lagu bixiyay martigelinta ciyaarahan.
Waxaa ammaanka guud ahaan Rio sugaya kumannaan ciidan ah, iyadoo qiyaastii 25-kii mitirba lagu arkayo askari ku sugan.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP