Hargeysa, (HargeisaPress) —Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo mudooyinkii u danbeeyey uu ka taagnaa khilaaf xoogan ayaa waxa uu wakhti xaadirkan marayaa marxaladii ugu adkayd abid.
Waxaana khilaafkan xisbiga UCID uu sababay inuu xisbigu u kala jabo laba garab oo ay kala hogaaminayaan gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa Jamaal Cali Xuseen,sidoo kalena khilaafkooda ayaa sababay in garnaqoodu gaadho maxkamadda sare ee somaliland kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafkaasi isla markaana uu Faysal Cali Waraabe si badheedha uga soo horjeestay go’aamadii ay soo saareen gudida diiwaangalinta ururada siyaasaddu.
Intaasi kadib Maxkamadda sare ayaa iyadu go’aamisay in xisbiga UCID qabsado shirwayne aan caadi ahayn,taasi oo lagu ansixinayo heshiiskii ay kala saxeexdeen gudoomiye Faysal iyo Jamaal,sidoo kalena waxay maxkamaddu go’aamisay in labada garabba ay iska soo dhex saaraan min shan xubnood oo uga qayb gala shirwaynaha xisbiga oo maxkamaddu go’aamisay in lagu qabto muddo lixdan cisho gudahood ah balse taas badalkeeda ayaa noqotay hal bacaad lagu lisay iyada oo ay labada garab ee khilaafku ka dhaxeeyaana baal mareen go’aamadii maxkmadda.
Labadan garab oo looga fadhiyay inay si wada jira u qabtaan shirwayne aan caadi ahayn ayaa waxa maalmihii u danbeeyey soo if baxayay warar daaha ka faydaya in mar kale khilaafkii dib uga dhex istaadhmay labadan garab iyaga oo dhaliilo xoogana hawada isku mariyay.
Garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa shirwayne ay qabsanayeen u qoondeeysnaa inuu qabsoomo 6 bishan aynu ku guda jirno oo ku astaysan maanta balse Jamaal Cali Xuseen ayaa isagu sheegay in dib uu yara dhacay shirwaynahoodii,halka garabka kale ee uu hogaaminayo gudoomiye Faysal-na ay shirwaynahooda u qoondeeyeen 7 bishan oo ku beegan isniinta oo maalinta bari ah balse waxa xusid mudan in aan garabka Gudoomiye Faysal ila hadda wax hadal ah laga hayn oo ku saabsan inuu qabsoomayo shirwaynahaasi iyo inuu dib u dhacay toona.
Arrinkan ayaa noqday mid aad mudooyinkii u danbeeyey loogu hadal hayo goobaha lagu kulmo.waxaana iyaduna xusid mudan in arrinka aad loo hadal hayay uu noqdo ka magaca xisbiga UCID kaasi oo garab kasteba ku qortay magac gaar ah.Garabka uu hogaamiyo Faysal Cali Waraabe ayaa isagu boodhadhka shirwaynaha ku xardhay magaca xisbiga UCID halka garabka jamaal Cali Xuseen iyaguna ay boodhadhka ku xardheen magaca New UCID .
Dadka siyaasadda adorosa ayaa tilmaamay in talaabadan oo kale ay tahay astaanta lagu garan karo marka uu xisbigu baaba’ayo.
Dhanka kale bulshada somaliland gaar ahaana caasimadda hargeysa ayaa iyagu aad isku waydiinayay su’aalo ay kamid tahay waa kuma xisbiga buuxinaya booska UCID hadii uu baaba’o uuna ka baxo tartanka xisbiyada qaranka?.
Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo meesha uu sal dhigan doono khilaafka xisbiga UCID ragaadiyay oo maraya meeshii abid ugu xumayd.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP