Laascaanood (Hargeisa Press)- Deegaanka Dharkayn-geenyo oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa waxaa ku soo qulqulaya wufuud degaano badan ka imanaya oo ay ka mid yihiin Somaliland, Puntland, Kililka shanad ee Itoobiya iyo Qurbajoog, si ay uga qayb galaan Caleemasaarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo maalinta berito ah 12 bishan qabsoomi doona.
Weftiyada ilaa haatan soo gaadhey magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka mid ah wefti ka socda xukuumaada Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali ayna weheliyaan masuuliyiin kala duwan iyo madaxdhaqameed.
Sidoo kale, waxaa iyana soo gaadhay magaalada Laascaanood wefti madax-dhaqameed ka socda dawlad degaanka Somalida Itoobiya oo uu hogaaminayey Garaad Dool Garaad Wiilwaal, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo haatan.
Dhinaca kale, wefti madax dhaqameed ah oo ka yimi dhinaca maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo Islaan Ciise Islaan Maxamed kuwaas oo lagu soo dhoweeyey degaanka Godqaboobe oo ku dhowaad 80Km. bari kaga beegan magaalada Laascaanood.
Madasha Caleemasaarka Dharkayn-geenyo oo ayaa waxa ilaa hada ku soo qulqulaya wufuud degaanada dhowdhow ka imanaysa.
Deegaanka Dharkayn-geenyo ayaa ah magaalo ka tirsan Somaliland ayaa hadana xafladan caleema saarku kulminaysaa siyaasiyiin is haya walow ay sheegeen gudiga qabanqaabadu in ay haystaan ciidan amaanka ku filan.
Hargeisa Press Desk/Laascaanood Office.