WorldRemit oo ganafka ku dhufatay inay fuliso-awaamiirtii Soomaaliya, Qaranimada Somaliland-na difaacday

0
7211

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirkadda xawaaladda addeeg bixinta lacagaha caalamiga ah ee WorldRemit, ayaa waxaa ay si cad u diidday inay u hoggaansato amarkii maamulka Soomaaliya dul dhigtay shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

Shirkadda WorldRemit oo war-saxaafadeed soo saartay, ayaa ganafka ku dhufatay inay fuliso awaamiirtii maamulka Soomaaliya fareen shirkaddaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, iyadoona si buuxda u difaacday qarannimada Somaliland.

Maamulka Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa olole ka dhan ah heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, ayaa bilaabay inay bartilmaameedsadaan shirkadaha ganacsi ee laga leeyahay Somaliland.

Shirkadaha oo isugu jira kuwo laga leeyahay Somaliland iyo kuwa kale ee Soomaalida, ayaa lagu wargeliyey inay fuliyaan go’aan ka soo baxay kulan Muqdisho ku dhexmaray siyaasiyiin iyo ganacsato u dhashay Soomaaliya, kuwaas oo ku heshiiyey in la bartilmaameedsado shirkadaha ganacsi ee Somaliland laga leeyahay.

Guddoomiyaha shirkadda Worldremit Ismaaciil Axmed, ayaa ka mid ah ganacsiyada laga leeyahay Somaliland ee sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday, waxaanu ujeeddaddiisu ku tilmaamay sidii Ganacsatada Somaliland loogu qasbi lahaa ka qayb qaadashada ololaha Soomaaliya ugu jirto Fashilinta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

“Sida aad ku aragteen baraha bulshada, waxa jira kulamo ay yeesheen siyaasiyiin waaweyn iyo ganacsato ka soo jeedda Soomaaliya kuwaas oo lagu go’aamiyay in la ballaadhiyo ololoha ka dhanka ah Somaliland iyo ganacsiga ay leeyihiin dadka reer Somaliland. Tan ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu handado ganacsatada Somaliland si ay uga qaybqaataan faafinta wararka been abuurka ah ee la doonayo dadka reer Somaliland in la isaga horkeeno. Waxa ku fillaan waayey dhallinyaradii lacagaha la siinayey ee lagu shaqeysanayey.

Shirkadaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah WorldRemit, taas oo ay kooxdani ku baaqeen in la joojiyo isticmaalkeeda gebi-ahaanba. Tan iyo shalay, boggayga Facebook waxaa weerar ku hayay koox abaabulan oo hawshan aad mooddo in loo soo kiraystay. Waxaan doonayaa in la ogaado in lacagaha shirkaddayadu u dirto Soomaaliya ay yihiin wax ka yar 0.3%. Xitaa haddii dhammaan ganacsigeygu uu ku tiirsanaan lahaa Soomaaliya, marnaba maan beddeleen aragtiyadeyda iyo waxa aan u arko in ay yihiin danaha ummadda reer Somaliland.

Waa wax laga xumaado in siyaasiyiin iyo ganacsato ku andacoonaya in ay doonayaan midnimo Soomaaliyeed in ay ku kacaan falalka caynkan ah. Ganacsiga Soomaalidu waxa uu jiray wakhtiyadii ugu adkaa ee ay socdeen dagaalladu. Waxan maanta soocdaa se waa arrin ugub ah oo reebi doonta cawaaqib xumo.” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka Shirkadda Worldremit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here