Weriye Axmed Siciid Cige Oo Wasiir Sacad La Yeeshay Waraysi Adag Oo Ku Saabsan Saldhiga UAE Ee Berbera

0
1941
Wariye Axmed Siciid Cige ayaa waraysi adag kala yeeshay wasiirka rimahad dibada ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wariyaha BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ee Hargeysa Axmed Siciid Cige ayaa waraysi adag kala yeeshay wasiirka rimahad dibada ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire saldhiga milatari ee berbera laga siiyay Imaaraadka oo hakad ku yimi,caqabadaha ka horyimi iyo madmadowga ku gadaamnaa ansixinti iyo guud ahaanba heshiiska Somaliland ay saldhiga ku siisay Imaaraadka.

Wasiirku waxa uu sheegay in saldhigu uu u hakaday in aan waxyaabii ay balan qaadeen Imaaraadku aanay waxba ka hirgalin, ugu horayntii wasiir Sacad oo la waydiiyay in hakad ku yimi heshiiskii saldhiga waxa uu yidhi:- “Heshiis ayaynu galnay inaga iyo dawlada Imaaraadku, heshiiskaas waxa ansixiyay golayaasha madaxweynuuna waa uu Saxeexay, arinku sidiisii ayuu u taagan yahay wax iska badalayna ma jiraan, hasa yeeshee waxa jira arimo farsamo oo saamayn ku yeeshay mashruuca socod siintiisii.

Markaas qodobadaasi maxay yihiin?

Heshiisku labada dhinacba waxbuu ku waajibinayaa, dhinaca Imaaraadka waxyaabaha uu ku waajibinaayay waxa ka mid ahayd  in la bilaabo wadadii isku xidhaysay Berbera iyo Wajaale, in la dhiso madaar goortay wax bilaabmayaan iyo nashqadii  ayaa wali taagan oo arimahaas ayaa ka mid ah.

Waxa kale oo jirta in madmadaw soo baxay oo adiga laftigaagu wasiirka arimaha dibada ayaad ahayd oo markii bishii labaad la horgaynaayay labada gole maad joogin oo waxa soo baxaysay inaad ka biyo diidanayd iyo in aan la ogayn kirada ay bixinayaan,shaqaaluhu siday u imanaynaan, in aan la ogayn kastamka alaabta ay kala soo dagayaan ma cashuur dhaafbaa, in aan la ogayn inta uu ku fadhiisanaayo saldhigu, ma arimahaas ayaa jira markaas?

Arimahaas oo dhami waxay ku qeexan yihiin heshiiska, inkastuu heshiisku yahay mid hordhac ah, qiyaastii inta ay bixinayaan 25-ka sanadood ee la siiyay, fasaxa ah inay isticmaalaan madaarka way cadahay waxyaabaha la qabnaayo ee ku waajibay dhankooda, jidka iyo madaarka oo kale shaqada oo loo furo dadka muwaadniinta ah, dadka dhalinyarada ah oo loo furo suuqa shaqada ee Imaaraadka, inay inaga caawiyaan xagga biyaha,tamarta iyo caafimaadka, waxaas oo dhami waa ay ku wada qeexan yihiin.

Waxa la leeyahay intii ay wadwadeen inkasta oo aanay saani u bilaabin halkay doonaan ayay wax ka dhistaan, meeshay doonaan ayay ciidda ka soo qaataan, shaqaale muwaadniin ah kama shaqeeyaan ee dad ay dibada ka keensadeen ayaa ka shaqeeya arimahaas awgood ayaa keenay in la hakiyo oo la joojiyo shaqadii?

Kolay dhaliilo way jiraan oo amuurahaasi waa kuwa keenay in  uu yara hakado mashquuraca socod siintiisii.

Sacad hadda adiga ayaa ah wasiirkii arimaha dibada wax alle iyo waxii ku saabsan heshiiyo ee dawlad shisheeye la’la galaayo waa inay wasaarada arimaha dibada soo maraan dabeedna laga ansixiyo baarlamanka, madaxweynuuna kama danbaynta saxeexo, madmadaw ayaa hore u jiray, imika adiga ayaa ah qofka la’la xidhiidho ee masuulka ka ah waxii heshiisyo  dibada ah?

Gudibaa jirtay uu madaxweynuu u saaray inay arimahaas faraha ku hayaan gudidaas aniga ayaa guddoomiye ka ah aniga ayaana wali jooga.

Madaxweynaa cusub miyaa?

Mayee madaxweynii hore.

laakiin dawladan cusubi arimahaas waxba kamay soo saarin?

waxba iskama badalin gudidii hore dabcan magacyadii waa ay is badaleen oo qof waliba xilkiisa ayuu gudida kaga mid ahaa, wasiirada tagay waxaa badalay wasiirada la magacaabay.

Imika saldhigan aad Bebera ka siiseen Imaaraadka ee ay ka duuli karaan Yemana dagaalo ayaa ka socda oo maalmo dhawayd waxa la soo dhigaayay in kooxdan Xuutiyiintu ay leeyihiin inkasta oo aan la xaqiijin karin waxaanu uga digaynaa in halkaas haddii nalagaga soo duulo oo aanu duqayn doono Hargeysa iyo Berberaba sidaad u aragtaan arintaas?

Waan ku arkay baraha Internet-ka waxyaabo ku saabsan hanjabaadaas qolada Xuutiyiinta ah runtiina inay run tahay iyo inay been tahayna garan mayno oo in la sameeyay ma garanayno arinkaasi markuu yimaado ayuunbaynu kaga jawaabi doonaa waxii hadal iyo ficilba ku haboon.

Laakiin sow wax jira oo dhici kara maaha markaad dhinac la safateen oo aad ku talo gashaan waad ogtihiin oo xarunta Riyaad ayay gantaalo ku ridaan?

Waa khatar mar walba jirta  mar hadaad xulafada ka mid noqotay dhib iyo dheefba waad kala kulmaysaa.

Markaas qodobada aad sheegayseen ee aad u qorteen ma laga yaabaa inaad dib ugu noqtaan?

Runtii qodobo lagu noqonayaa ma jiraan waa dhaqangalinta qodobadii lagu heshiiyay uun, waxa loo baahan yahay in ay isla jaan qaadaan dhismaha iyo diyaarinta saldhiga iyo samaynta iyo bilaabida mashaariicdii lagu heshiiyay ee ahaa wadada iyo madaarka  iyo waxii kaleba.

Intii dekeda Berbera aad ku wareejiseen DP World ilaa hadda cabashooyin ayaa soo baxaaya oo lacagta Somaliland ee ay qaadaan markiiba suuqay ka sariftaan  oo doolar Dubai loogu diraa, dhismihii dekeda ee 400mt ahaa oo aan ilaa hadda muuqan sanadna ka soo wareegay taas iyada laf ahaanteeda ka waran?

Kolay haddii meel hawli ka socoto cabasho laga waayi maayo, runtiina sicir-bararka inay keeneen arinkaasi mid jira maaha, xagga dhismaa dekedna sanadkan soo socda ayuu qorshuu marka horeba ahaa kaasna waxaanu rajaynaynaa inuu si fiican inuugu bilowdo.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here