Weftigii Xisbiga KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyay Gobolka Sanaag

0
826

Ceerigaabo (Hargeisa Press)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsan, ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Ceerigaabo, iyo deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag.

Weftigan ka tirsan xisbiga Kulmiye oo maalmahanba socdaal shaqo ku marayay goboladda bariga dalka, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalooyinka Ceel-Afweyn, Gar-adag, Yufle, iyo deegaamo kale oo ka tirsan gobolka Sanaag, ka hor intii aanay gaadhin magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool magaalooyinkaasi ayaa weftigan uu hogaaminayo C/casiis Samaale, ayaa dadweynihii soo dhaweeyay waxay muujiyeen sida ay taageeradda baaxada leh ugu hayaan xisbiga kulmiye, kuwaasoo ku soo dhaweeyay calanka xisbiga iyo caleemo qoyan.

Waxaana magaalooyinkaasi lagu soo dhaweeyay madaxda xisbiga Kulmiye si weyn uga dhex muuqday in aanay bulshada qaybaheedda kala duwani u kala hadhin soo dhawaynta, iyadoona ay ka dhex muuqdeen madax dhaqameedka, haweenka, aqoon yahanka, iyo dhalinyarada.

C/casiis Maxamed Samaale, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, waxaa safarkani ku wehelinaya guddoomiye ku-xcigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, iyo masuuliyiin kale, sidoo kale waxaa soo dhawaynta weftigaasi qayb weyn ka qaatay wasiirro ka tirsan xukuumada oo ka soo jeedda gobolka Sanaag, iyo maamulka gobolka Sanaag, iyo waxgarad kala duwan.

Weftigani markii ay gaadheen magaaladda Ceerigaabo, ayaa masuuliyiintii kala duwanaa ee qaybta ka ahaa weftigu waxay la hadleen shacbi weynihii faraha badnaa ee halkaa ku soo dhaweeyay, iyagoona uga mahad celiyay sida qiimaha leh ee ay u muujiyeen taageeradda ay u hayaan xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye C/casiis Maxamed Samaale, oo magaaladda Ceerigaabo kula hadlay  dadweynihii soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

Waxaanu sheegay in aanu dareenkiisa cabiri karin, maadaama oo dhamaanba magaalooyinkii, iyo deegaamadii ay soo mareen si balaadhan loogu soo dhaweeyay. “Walaaleyaal sida la yaabka leh ee aad noo soo dhawayseen aad iyo aad ayaanu idiin kaga mahad naqaynaa.

Wefti hogaanka xisbiga ah ayaanu nahay, oo goboladda bariga dalka socdaal ku maray, sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseena waanu idiinka mahad naqaynaa mar kale. Taageereyaashayada waxaan u sheegayaa, Kulmiye waa xisbigiinii, waa xisbigii gobolkan Sanaag, waa xisbigii aad idinku guusha siiseen, mar kalena aad siin doontaan codka marka la gaadho doorashadda” ayuu yidhi C/casiis Maxamed Samaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here