Brussells (HP): Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Brussels ee dalka Biljim.
Madaxweyne Ku-xiggeenka iyo waftigiisa waxa soo dhaweyntooda aan u kala hadhin Wakiilka Somaliland ee Midawga Yurub Amb. Kaysar Cabdilaahi, iyo qaar kamida Jaaliyada Somaliland ee dalkaas ku nool.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa jaaliyada reer Somaliland ee dallka Biljimka uga mahad naqay soo dhaweynta ay u sameeyeen.
Waxaanu ku boggaadiyay sida markasta ay heeganka ugu yihiin in ay maamuusan madaxdooda.
Madaxweyne ku xigeenka iyo waftiga uu hogaaminayo waxa maalmihii ugu dambeeyey ay safaro ku marayeen dalalka qaaradda Yurub.
Iyagoo dalalka qaarkood kaga qayb-galay mubnaasibadihii lagu weynaynayay maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May.
Sidoo kale waftiga waxa ay dalalka qaar kulamo kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dalalkaasi.