Accra (Hargeisa Press)- Magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, ayaa waxaa si rasmi ah looga furay shirka Baarlamaanada Afrika ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Barwaaqo-sooranka, iyadoo ay ka soo qayb galeen wufuud ka kala socda 15 dal oo xubno ka ah ururkan.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah uga mid ah ka qayb galayaasha shirka, waxaana wakiilkeeda hoggaaminaya Xogahaha guud ee Golaha Wakiillada Somaliland, Garyaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Sidoo kale, weftiga xoghayaha waxaa ka mid ahaa, Agaasimaha Hadal-qoraalka ee Golaha Wakiillada, Cawad Cali Maxamed, Agaasimaha Qorshaynta ee Golaha Wakiillada, Cabdinaasir Cismaan Maxamuud iyo Agaasimaha Xafiiska Miisaaniyadda ee Golaha Wakiillada, Xamse Maxamuud X. Muuse.
Shirkan oo magaaladda Accra ka soconaya muddo shan maalmood ah, ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah.
Waxaana arrimahaasi ka mid ah
1. Xoojinta iskaashiga baarlamaanada dalalka Afrika ee ku bahoobay ururka.
2. Is-weydaarsiga khibradaha ku saabsan xeer-dejinta iyo maamulka baarlamaanka.
Ka-qaybgalka Somaliland ee madashan muhiimka ah, ayaa ah guul weyn oo dhanka diblomaasiyadda baarlamaanka, taas oo sare u qaadayso muuqaalka iyo ka-qaybgalka Somaliland ee goobo heer caalami ah, gaar ahaan kuwa la xidhiidha arrimaha xeer-dejinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed.
Shirkan, ayaa ah fursad ay Somaliland kaga faa’iidaysan karto dhismaha xidhiidh cusub iyo iskaashi hor leh oo dhexmara baarlamaanadeeda iyo kuwa kale ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Barwaaqo-sooranka, oo inta badan ka kooban dalalkii hore ee uu Ingiriisku gumaysan jiray.
HargeisaPress Desk


















