Weerarradii lagu qaaday Magaalada Paris oo loo Aaneeyay Qoxootiga ku Qulqulaya Dalalka Yurub iyo qalka Wakiillada Mareykanka Oo diidan Qaxootiga cusub

0
999

HargeisaPress — Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa sheegay in dadka lala xiriirinayo kooxda IS ee weeraray Paris toddobaadkii lasoo dhaafay ay suuro-gal tahay inay ka faa’ideysteen qulqulka qoxootiga tirada badan ee Yurub galaya.

 

Vallsoo wareysi siiyaya telefishin fadhigiisu yahay Faransiiska ayaa hoosta ka xariiqay in dadkaas ay dalka Faransiiska galeen iyadoo aan laga warqabin, ayna ka geysteen weerarro khasaare badan dhaliyay.

 

Sidoo kale, Faransiiska ayaa Golaha Ammniga ee Qaramad Miboobay u gudbiyay qaraar qabyo ah oo ay ku dalbanayaan in si caalami ah loola dagaallamo kooxda Daacish, kaddib weerarradii ay ku qaaday Paris ee sababay dhimashada 129 qof iyo weliba dhaawaca 35-qof oo kale.

 

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande ayaa horay u shaaciyay inay ka go’an tahay Faransiiska inay ka jawaabaan weerarradii Paris, ayna doonayaan in si guud looga taageero howlgalka ay jawaabta ku bixinayaan.

 

Dhanka kale, qalka wakiillada Mareykanka ayaa waxay meel-mariyeen sharci ah in la joojiyo qorshaha madaxweyne Barack Obama ee ah qabilaad loo fidiyo 10,000 oo qaxooti ah oo u dhashay dalalka Suuriya iyo Ciraaqi.

 

Mudane Blake Farentholt oo ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka kana socda xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay inuu taageersan yahay sharcigan looga hor-tagyo in qoxootiga Suuriya la keeno Mareykanka.

 

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa wuxuu ku goodiyay in go’aan adag ay adeegsan doonaan si qaxootigaas Mareykanka loo keeno. Iyadoo xeerkan ay taageereen xubno ka tirsan xisbiga dimuquraadiga.

 

Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa sheegaya in dalka uu halis gelinayo qiimaha aasaasiga ah haddii sidaas loola dhaqmo qoxootiga ka imaanaya dalalka Carabta la doonayo in la keeno Mareykanka.

 

Ugu dambeyn, Kerry ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Mareykanka ah looga baahan yahay inay aaminaan hannaanka hadda shaqeynaaya, si loo badbaadiyo qoxootiga halista ku jira ee ka cararaya dalalkooda.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here