Weerarkii lagu Qaaday Jaamacadda Gaarisa oo soo Gaba-gaboobay iyo 147 Qof oo lagu dilay + SAWIRRO

0
999

NAIROBI, Kenya — Weerarkii ay Al-shabaab manta ku qaadday Jaamacada Gaarisa oo bilowday subaxnimadii hore ee khamiista abaaro 5:30, ayaa soo gaba-gaboobay kadib markuu socday muddo 15 saacadood ka badan.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Ole Nkaissery ayaa shaaciyay in lasoo af-jaray weerarkaas isla markaasna ay dileen afartii nin ee weerarkaas geysatay.

201542635635888060012811Dadka Gaarisa oo dhiig ugu deeqay dhaawaca

Hay’adda Laan-qeyrta Cas ee Kenya, ayaa dhankeeda sheegtay in dhimashadu ay gaartay 147 qof halka dhaawacana ay ku sheegtay in boqol qof uu ku dhow yahay.

Dadka geeriyooday waxaa ku jiro 3- askar oo ka kala tirsan Ciidamada difaaca Kenya ee loo yaqaano KDF, Boolis iyo waliba labo kamid ahaa waardiyaashii Jaamacadaas.

Wararka kale ee aan ka heleyno magaalada Gaarisa, ayaa waxey sheegayaan in meydadku ay caawa buux dhaafiyeen Isbitaalka weyn ee magaaladaas, isla markaasna ay dowladu bilowday iney qaar ka mid ah meydadkaas u soo qaaday magaalada Nairobi si loogu wareejiyo eheladoodi.

201542635635886876285849Dhaawicii maanta

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo shir jaraa’id qabtay caawa, wuxuu sheegay sheegay in ciidamada dowlada ay ku guda jiraan dhismihii ay kooxdaas hubeysan maanta qabsadeen, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in ciidamada Kenya ay soo bad-baadiyeen ilaa 518 arday kuwaasoo uu sheegay in caawa ay ku sugan yihiin Teendhooyin ku yaallo gudaha Xerada ciidamada KDF ay ku leeyihiin magaalada Gaarisa, isla markaasna loo diyaariyay ilaa 10 Baabuur oo ay leeyihiin Dhalinyarada Qaranka ee NYS (National Youth Service) si Nairobi loogu geeyo bari.

Si kastaba ha ahaatee Sagaal ka mid ah ardaydii Jaamacadaas wax-ka-baraneysay oo ay dhaawacyo culus soo gaareen ayaa iyagana diyaarada looga soo qaaday Gaarisa si loogu daaweeyo magaalada Nairobi, ayadoo sidaan oo kalana saaka Nairobi loo soo qaaday 3 qof oo labo kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan dowlada Kenya oo dhaawacyo culus qabay.

201542635635887547729144Gabar dhaawacantay

Dadka deggen magaalada Gaarisa-na waxey maanta bilaabay iney dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmey weerarkaas oo buux dhaafiyay isbitaalka weyn ee ku yaallo magaaladaas.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo maanta ka hadlay weerarkaasna wuxuu tacsi u diray eheladii ay dadku ka geeriyoodeen, sidoo kalana wuxuu cambaareeyay kooxihii hubeysnaa ee falka geystay.

201542635635886696424298Jaamacada oo Albaabaka loo furay

Ugu dambeyn, dowladda Kenya-na waxey sheegtay caawa iney bandow ku soo rogtay magaalooyin ka tirsan gobalka waqooyi bari Kenya, waxeyna ugu baaqday dadka ku dhaqan magaalooyinkaas iney baaqi ku ahaadaan guryahooda inta laga gaadhaayo bari subax.

 

Najah Mohamed Ali
najah.moha@journalist.com
Nairobi – Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here