Weedhaha Madaxdhaqameedka Somaliland Oo Deedafeeyay Qorshaha Turkiga iyo Afhayeennimada Suldaan Xiiray + Muuqaal

0
888

HARGEISA, (HargeisaPress) — Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland oo isugu jira Salaadiin iyo boqoro ayaa deedafeeyay shirka Turkigu qorsheeyay ee ah in madaxdhaqameedka Somaliland metelaan Somaliland wada hadalna la galaan madaxda dhaqanka Somalia.

Madaxdhaqameedkan ayaa ka sakow deedafaynta shirka Turkiga waxay deedafeeyeen hadalkii ka soo yeedhay Suldaan Xiiray oo ku hadla afka dhaqanka Somaliland, balse waxay sheegeen inaanu afkooda ku hadli Karin, maadaama aanay jirin madal bahda dhaqanku iskugu timid oo ay afhayeen kaga dhigatay Suldaan Xiiray.

b3b218c9d242694d7d366391d491237f_L

Suldaanka guud ee Subeer Awdal Suldaan Xasan, Suldaan Sabayse, Boqor Raabi iyo hogaan dhaqameedka kale oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhammaantoodba muujiyay in Turkigu ka dhan yahay qaddiyadda Somaliland, sidaasi darteedna aanay sinnayn Somaliland iyo Somalia.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here