Waxka Bedel Lagu Sameeyay Xeerkii Axsaabta iyo Ururada Siyaasada

0
1026

Hargeisa (Hargeisa Press) – Fadhi ay saaka yeesheen Xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ay dood iyo falaanqayn ka yeesheen waxka bedel lagu sameeyay Xeerka Asxaabta iyo Ururada Siyaasada.

Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa Marka uu dhamaado wakhtiga ay Liisanka Xisbinimo haystaan, looma kordin doono, ma geli doonaan doorashooyinka madaxtooyada, Wakiilada Iyo Deegaanka.

Xisbiyadu wakhtigoodu dhammaado, ayaa waxay gelayaan Doorasho toos ah oo Urruro siyaasaddeed oo la diiwaan geliyey lagu soo dooranayo.

Lifaaqa iyo wax ka baddelka xeerkan oo maanta muddanayaasha laga horjeediyay ayaa berri doodiisa loo balamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here