“Waxba kama jiraan dhaliilaha laga sheegay mashruuca tayaynta calafka xoolaha”…

0
1357

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland ayaa beeniyay dhaliilo loo jeediyay mashruuca tayaynta calafka xoolaha.

Gaar ahaana mashruuca taranta xoolaha iyo tayaynta calafka xoolaha ee mashruuca banka Wajaale.

Wasiir Siciid Sulub Maxamed, oo maanta warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in mashruucaasi uu yahay  mashruuc uu qaranku hindisay oo muddo soo socday.

Waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilo uu mashruucaasi u jeediyay xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here