“Waxaan idiin sheegayaa Somaliland cid kale go’aankeeda may yeelan waligeedna lagama guulaysan”

0
1137

Hargeysa (HargeisaPress)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tabobar u soo xidhay in ka badan 4,000 (Afar Kun) oo Arday oo laga soo xulay dugsiyada sare ee caasimadda Hargeysa oo bartay Dastuurka iyo waddaniyadda.

Munaasibadda xidhitaanka tabobarka oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, taliyeyaal ciidan, Ardayda qalinjebinaysay iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay leedahay barashada Dastuurku iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in da’yarta soo koraysa lagu ababiyo waddaniyadda.

Ugu horrayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo munaasibadda ka hadashay, ayaa sharraxday qiimaha ay leedahay barashada Dastuurka iyo waddaniyaddu iyo dedaalkii ay u galeen in la gaadhsiiyo dugsiyada sare iyo hooseba.

Abwaan Ismaaciil Jiheeye oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay bilowgii dhigashada dastuurta iyo waddaniyada ayaa madaxweynaha qaranka ku ammaanay sida uu xilka isaga saaray in kor loo qaado barashada Dastuurka iyo waddaniyaddaba.

Wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo Aw qaafta, Mudane Maxamed Xaaji Aadana Cilmi, waxbarashada, Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurka, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo hadallo kala duwan ka jeediyey, ayaa bogaadiyey ardayda baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda, waxana ay madaxweynaha ku ammaaneen siyaasaddiisa uu kor ugu qaadayo Dastuurka iyo shuruucda qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ardayda tirada badan ee dhammaysatay barashada Dastuurka iyo waddaniyadda, waxana uu kula dardaarmay inay aqoon xeel dheer u yeeshaan Dastuurka dalkooda, kana dheeraadaan wax kasta oo shuruucda qarankani dhigtay ka hor imanaya.

Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ardayda u sheegay in qaranka Somaliland geesiyaashii dishay ay go’aamiyeen in aan Somaliland cid kale go’aankeeda yeelan, waxaanu yidhi “Geesiyaashii dalkan inoo dhisay waxay go’aamiyeen anna aan idiin sheegayaa inaan Somaliland cid kale go’aankeeda yeelan, weligeedna aan laga guulaysan”.

“Xisbiyadda tartamaya iyo dadkooda waxaan farayaa in ay af-kooda iyo adinkoodaba si asluub leh oo nabad ah oo aanu midna mid ku gefaynin waana in laga ilaaliyo xumaanta…” madaxweynaha JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here