“Waxaa Na Damqaya Xadhigooda Muddo Dhaafka Ah iyo Raggii La Xidhnaa Ee Ay Madaxweynaha Isku Beesha Ahaayeen Oo La Sii Wada Daayay”…..

0
931

Hargeysa, (HargeisaPress) — Qaar ka mid ah ehelada maxaabiis u xidhan kiisas argagixiso oo ay sheegeen in ay xukunkii Maxkamadeed eek u dhacay in ay dhamaysteen isla markaana ay hadda Muddo dhaaf ku xidhan yihiin.

 

Waxaa kale oo ehelada maxaabiistan kiisaska argagixiso u xidhani ay intaa ku dareen in ragga imika xidhan in ay tiradoodu dhantahay 9 xubnood oo kaliya isla markaana ay markii hore ahaayeen 27 qof intii kalena la sii wada daayay.

 

Waxaanay ku tilmaameen in sii daynta raggii ay isku kiiska ahaayeen iyo la hadhista sagaalka ay ehelka yihiin ay u arkaan qabyaalad iyadoo dhamaan inta la sii daayay ay ku sheegeen in ay ka soo jeedeen Beesha Madaxweyne Siilaanyo.

 

Ehelada ragga xidhan oo uu u hadlay Maxamamed Saalax Iidle oo ay walaalo yihiin ragga xidhan mid ka mid ah oo u xidha kiiskii dhubato illaa dhoqoshay,ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “Waxaanu doonaynaa in aanu ka hadalo rag xidhan oo xukunkii maxkamadeed eek u dhacayna adhamaystay islamarkaana jeelasha ku xanuunsaday oo imika dhul yaal ah oo saxarada iyo kaadibaduba jiifka kaga socoto in aanu warbaahinta cabashadayada u marino Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo aanu ku rejo waynahay in uu kiiskaa hoos u eegi doono,waxaa raggan la soo xidhay 2004,kii.

 

Waxaana loo soo xidhay kiisas argagixiso oo kala duwan oo ay ka mid yihiin kiiskii Dhoqoshay, kiiskii ninkii Jarmalka ahaa ee Ceerigaabo lagu afduubay, kiiskii ka dhacay xaafadda News Hargeysa. Markaa ragga markii hore tiradoodu waaxay ahayd oo uu xukuno ku dhaceen 27 nin oo isku kiis laga wada dhigay oo kiisaskooda lagu mideeyay argagixiso waxaana hadda raggaa ka xidhan 9 nin oo kaliya iyadoo la sii daayay rag ka xukun dheeraa oo 25 sano qaarkood ku kuxunaayeen.

 

Ragga la sii daayayna waxay dhamaantood ahaayeen beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Somaliland intii uu xilka hayayna waa la sii daayay markaa waxaa na damqaysa qabyaaladda raggii ay Madaxweynaha isku haynta ahaayeenna loo sii daayay kuwayagii oo xukunkii dhamaystayna loola hadhay.”

 

Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray . “Sagaalka nine e imika naga xidhani nolol kuma noola oo jeelka ayay ku curyaameen nin raggaa ka mid ah biro ayaa lugta kaga jiray Jabuuti lagu soo galiyay oo loo qabtay in muddo sanad ah lagaga saaro laakiin dhakhtar dambena cidi may gayn wax dawayn ah oo dambena muu helin lugtiina way ku qudhuntay birihii ku jiray ee intaasoo sanadood ku muddo dhaafay.

 

Mid kale oo ka mid ah raggaas waxaa uu ka curyaamay lugaha oo saxarada iyo kaadibadaba lama kici karo, markaa waxaanu garsoorka dalka oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Maxkadda Sare aanu ka codsanaynaa in uu nimankaa arrintooda hoos u eego sharci darada ku xidhan ee xukunkii ku dhacay dhamaystay.”

 

Maxamed waxaa kale oo uu ka hadlay kulan ay la yeesheen Wasiirka Wasaaradda Caddaalada,Xeer Ilaalinta iyo Madaxtooyada.

 

“Raggan illaa markii xukunkooda ay dhamaysteen waxaanu kulamo la yeelanaynay meelo badan oo kala duwan Madaxtooyada Marar badan ayaa loogu tegay oo ay la balan qaaday in la sii daynayo,Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo aanu kiiskooda kala hadalay wuxuu nagu yidhi anaga nooma xidhna xadhigooduna waa sharci darro waxaanu ciidanka Asluubta waydiiyay sababta ay u xidhan yihiin ciidanka Asluubtuna waxay ku doodeen siidayntooda ha nala soo amro,Xeer ilaalinta ayaanu tagnay Xeer ilaalintuna waxay noo caddaysay in aanay raggaa u hayn dambi ay ku xidhan yihiin oo ay dhamaysteen Xukunkii ku dhacay laakiin aanay awood u lahayn in ay sii daayaan.

 

Ugu dambayn arrintoodu waxay ka fursan wayday in aanu warbaahinta cabashadayada u marino Xukuumadda Somaliland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare labadadaba oo aanu ka codsano in ay noo soo daayaan ragga xukunkoodii dhamaystay si aanu meydkooda u aasano oo aanu ugu samirno.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay Maxamed raggan oo ku xukuman kiis argagixiso in ay balan qaad buuxa qaranka Somaliland ku siinayaan in aanay wax dambe ku kacayn kiisaskii hore ay u galena ay ka toobad keeneen oo ay ka xun yihiin.

 

“Nmankaasi waxay ku xidhan yihiin oo xukun ugu dhacay kiisas argagixiso oo ay dalka ka galeen sharciga ayaana la mariyay oo xukun ayaa ku dhacay dawladna waxaa lagu yahay kala dambaynta iyo u hoggaansanka sharciga kol hadday xukunkii dhamaysteen kuwii ay isku kiiska ahaayeenna la sii daayay,kuwanna waxaan mar labaad codsanaynaa in la soo daayo oo aan qabyaalad loola hadhin,waxaa kale oo aanu balan qaadaynaa in aanay fal dambe ku kacayn oo salaadiin iyo waxgaradkoodii iyo ehelkoodii ayaanu nahay ee anaga ayaa balan qaadayna in aanay wax dambe oo dalka iyo dadka lid ku ah in aanay ku kacayn kuwii ay hore u galeenna ciqaabtoodii way mareen,imikana nafiba kuma jirto ee waxaan guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xukuumaddaba ka codsanaynaa in sharciyadda naloo eego oo raggaa xukunkooda dhanaystay naloo soo daayo qoysaskoodu qalfoofkooda ha ku samraan e.”ayuu yidhi Maxamed Iidle oo ku hadlayay afka ehelada maxaabiis sagaal ah oo u xidhan kiisas argagixiso oo ay sheegeen in ay Xukunkoodii dhamaysteen.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here