“Waxaa culimadeenna sharaf ugu filan in ay sidaan dhaxalkii nebiyadda”…

0
920

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa culimaw-diinka dalka ku booriyay in ay ka hor tagaan ururro beryahan danbe inagu soo kordhay.

Ururradaasi ayuu guddoomiyuhu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo ku hawlan sidii ay bulshadda muslimka ah uga leexin lahaayeen dariiqa saxda ah.

C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa culimadda kula dar daarmay in ay ku dhiiradaan sidii qolooyinkaasi looga hor tegi lahaa.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay shirka saddexaad ee ururka culimaw-diinka Aansaaru Sunnah oo ka furmay magaaladda Hargaysa.

C/rasaaq Khaliif, ayaa sidoo kale ururka culimadda Ansaaru Sunnah ku bogaadiyay shirkaasi ay yeesheen.

 

DAAWO: Guddoomiye Khaliif Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here