“Waxa jira shaqooyin dalkeena yaalla oo ay dadkeenu ka faanaan “Guddoomiyaha Jaamacadda Admas

0
966

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha jaamacadda Admas Xuseen Cabdillaahi Maxamuud, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibada qalin-jebinta Ardayda Jaamacadda Admas.

Guddoomiyaha jaamacadda Admas, ayaa ugu horayn ka warbixiyay tiradda ardayda jaamacadda ka qalin jebiyay, iyo heerarka waxbarasho ee ay qaateen.

Wuxuu sheegay in jaamacadda Admas laga aasaasay magaalada Hargeysa sanadkii 2006-dii, isla-markaana mudadda ay shaqaynaysay ay ka qalin jebiyeen Arday aad u tiro badan, kuwaas oo uu sheegay inay qaarkood ay dalka madax ka yihiin.

Guddoomiyaha jaamacadda Admas, ayaa tilmaamay in ay jiraan shaqooyin badan oo yaalla dalka Somaliland oo ay dadkeenu ka faanaan.

Wuxuu dardaaran u jeediyay Ardayda ka qalin-jebisay jaamacadda, isagoona faray in laga rabo inay hal-abuur la yimaadaan oo dalkooda iyo dadkoodaba anfacaan, isla-markaana aanay noqon kuwo shaqada raadiya ee iyagu shaqada abuura.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here