“Wax aan dadka u sheegno ma garanyno! Sababtoo ah waxaanu u nimid”… wasiirka deegaanka

0
266

Fiqi-Ayuub (HP): Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa hawlgallo lagu burburiyay dhuxulaysi ka fuliyay deegaanka Fiqi-ayuub ee gobolka Togdheer.

Xubnahan wasiirrada ah oo maalmahanba kormeerro la xidhiidha la dagaalanka Dhuxulaysiga ka waday goboladda bariga Somaliland ayaa hawl galkaasi ku burburiyay godad aad u fara badan oo dhuxul lagu shidayay.

Weftigan wasiiradda ahi waxay kormeerkaasi ku soo mareen deegaamo ka tirsan goboladda Togdheer iyo Saraar, iyagoona indhahoodda ku soo arkay dhirta sida darran loo gumaaday ee dhuxulaysatadu jareen.

Waxaana weftigaasi wasiirrada ah hogaaminaysa wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo wasiirka wasiirka cadaaladda.

Sidoo kale waxaa weftigaasi ka mid ah isuduwaha wasaaradda deegaanka ee  gobolka Togdheer iyo taliyaha ciidamadda birmadka ee  gobolka Togdheer.

Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay sida arxan darradda ah ee  dhirtii deegaanka Fiqi-Ayuub loo gumaaday. Waxaanay sheegtay in qofkii soo arko sida dhirtaasi loo jaray uu u malaynayo sidii meel aan cidiba lahayn.

Wasiirku waxa kaloo uu intaasi raacisay in waxyaabaha la yaabka leh ee ay deegaankaasi ku soo arkeen ay ka mid tahay in ka sekow dhirta ay jaraan in dadka dhuxulaysatada ahi ay sidoo kale qasheen ama laayeen ugaadhii deegaankaasi joogtay.

“Wax allaale iyo wax aanu dadka reer Somaliland u sheegno ma garanyno! Sababtoo ah waxaanu u nimid wadan la qabsaday ba, oo ay dadkii lahaa shidayaan, oo ay iyagu baabiinayaan. Godadka Dhuxusha lagu shiday way tiro beeleen, dhirta la jaray na way tiro beeleen.

Uma malayn kartid in aad Somaliland joogto, marka aad aragto sida dhirtan loo gumaaday.  Dhul aan cidi lahayn ayaad u malaysaa. Waxa dhirtaa sidaa u shidayna waa umadii meesha ku noolayd” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Baandare.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo isna arrinta dhir jarista ka hadlay ayaa sheegay in dhirtii qoyanayd si darran loo gumaaday oo dhuxul laga shiday.

Taasoo muujinaysa sida loo baabiiyay deegaankii, arrintaasina ay hor seedayso xaaluf daran oo deegaanka ku yimaadda iyo dhibaatooyin hadhow saamayn xun ku keenaya nolosha dadka.

Waxaanu yidhi, “Dhuxusha ayuun baanu ka hadlaynay markii hore, balse waxaanu imika halkan ku aragnaa duur joogtii ama ugaadhii, in ay qasheen dadkii dhuxulaysatadda ahaa. Markii haddii saddex bilood la deganaa wax badan baa halkan nafta lagaga jaray. Geed iyo duur joog labadaba”.

“Waxaan u mahad celinayaa taliye ku-xigeenka ciidanka birmadka ee gobolka Togdheer oo nala socda, oo hawl galkani nagu wehelinaya. Waxaanan u sheegayaa kii gubay dhirtani, iyo kii maalgeliyay, iyo ka ka shaqeeyay iyo ka dameerk wadda, iyo ka gaadiidka wada ee qaadayaba, intaba in lala xisaabtami doono” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here