Wasiirka Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi waxa afkiisa laga hayaa oon qarsoodi ahayn inuu yidhi;Biciide ma geyo kursi madaxweyne,aniguse hanbaan leeyahay kana hadhimaayo ilaa, aan dalkan madaxweyne ka noqdo,marka hore waxan wasiirka leeyahay Biciidi iyo Cali Barre waa laba reer oo wada dhashay xilkaan Biceede geyin Cali Barrena ma geyo,ta labaad adigu ma reer baad wasiir u tahay?mise Qarankaad wasiir u tahay?sow gef iyo meel ka dhac maaha waxaad beel uga hadashaa,ma wakiilbaad u tahay?mise waxbaa lagaa weyddiiyey?hankaaga cidi kuuma diiddana madaxweynenimona cidi kuuma diiddana,laakiin sidaad ku gaadhaysaa?ninkii wasiir noqdaaba ma madaxweynuu hawaystaa? mise waxbaad dheertahay wasiirrada? Waxan ku idhi; ha qaldamin Madaxwenaha, aad wasiirka u tahay ummadda reer Somaliand baa dooratay,intaan la dooran halkii laga soo gelbiyey waad ogtahay Waa Garadag.Garadagna waa xurun Biciide.
Adiga halkee lagaa soo gelbinayaa?beentaad dadka u sheegi jirtey ayaad rumaysatay oo naftaada u sheegtay,madaxweyne inta cirku kuu jiro ayuu kuu jiraa haku riyoon,wasiirnimona intaa doorashada ka hadhay iska ,ahaw,Mudane Madxaweyne Axmed baa kuu khaldamay Muuse Biixi kuu khaldamimaayo,haddaad dadka been ku haysatona ku hayso,haddaad xoog ku haysatona ku hayso,haddaad lacag aad qaranka ka xaddayna ku hayso,markaad madaxwenenimo soo doonato waxan Allahay ka baryayaa inuu isku keen simo.waxan ku soo gebagebaynayaa
Xilku maaha awoow iyo aabbahaa dhaxalkisee
Haysu qaadan atoorki Aarka doontay Libaaxee
Dabeed uu am ka siiyee Alloow yaa ku yidhaahda Halkaagaa ku ekow.
W/Q Samiir Hassan abdi{Raan}
TELL: 0634157974
………………………………………………………………………………
Hargeisapress Marnaba Masuul Kama Aha Aragtida Dadka Kale. Qoraaga Ayaa Xumaanteeda, Xushmadeeda Iyo Xilkeda Sida. Waxa Kaliya Oo Hargeisapress.Com Dhiirigalinaysaa, Isdhaafsiga Aragtida, Canaanta Gacaliyo Talo Wadaagga.