Wasiirro iyo Masuuliyiin ka qaybgalay Bandhig-faneed loogu dabaal-deggayo xuska 18-ka May

0
970

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bandhig Fanneed loogu talogalay dabaal-degga xuska munaasibada 18-ka May ee foodda innagu soo haysa, ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.

Banndhig fanneedkan loogu sii dabaal-deggayo xuska munaasibada 18-ka May, ayaa waxaa soo diyaariyey Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta.

Waxaana sidoo kale bandhig fanneedkan ka soo qaybgalay Guddida qaran ee qabanqaabada munaasibada xuska Qaranimada Somaliland iyo masuuliyiin kala duwan.

Kooxda Wasaaradda ee dhinaca fanka, ayaa munaasibadaasi ku soo bandhigay masraxiyad fanneed soo jiitay dareenka iyo indhaha madaxda iyo martida ka qaybgashay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Sh. Axmedyasin Sh. Cali Ayaanle, Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kamida golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa goob-joog ka ahaa daawashada barmaamujkan sharibka iyo shaacin fagaareedka ahaa.

Suugaanta lagu soo bandhigay madasha ayaa xambaarsan farriimo waddaniyaddeed oo bulshada loogu talogalay in lagu baraarujiyo maalmaha dabaal-degyada Qaranka ee socda, gaar ahaan munaasibadaha dhici doona maalinta iyo habeenka 18 May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here