Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiiro tiro badan oo ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa maanta gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Waxaana ay wasiiradan ka dhawaajiyeen in shaqaalihii dekeda magaalada Berbera ka shaqaynayey ay gabi ahaanba xaqii ay lahaayeen ugu shubeen baanka,sidoo kalena waxa ay ka dhawaajiyeen wakhtiga rasmiga ee dekeda magaalada Berbera loogu wareejinayo gacan ku haynteeda shirkada DP WORLD.