Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xidhhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aaden Cilmi, ayaa maanta kormeer ku soo maray goobaha ay ka socoto Barnaamijka barashada Dastuurka iyo Waddaniyada.
Kormeerkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay la taliyeyaashiisa wasaaradda Maamulka Xarunta iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedada wasaaradaasi.
Maxamed Xaaji Aaden Cilmi, wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ayaa ardayda dugsiyadii uu booqday ku dhiiri geliyay sida naf hurka leh ee ay uga go’an tahay Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada.
Waxaanu wasiirku ardaydaasi ko bogaadiyay in ay ka qayb noqdaan horumarka balaadhan ee qaranka ka socda.
Isagoona tilmaamay Maxamed Xaaji Aaden Cilmi, in xukuumadda madaxweyne Biixi, sida ay uga go’an tahay ku dhaqanka sharciga.