Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda.
halkaasoo uu ka socdo tababarka Dastuurka iyo Waddaniyada ee Shaqaalaha Wasaaraddaha iyo haayaddaha Dawlada ee Jamhuuriyada Somaliland.
Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta iyo macalimiinta halkaas duruusta ku siinaya dhalinyaradda, waxaanu uga mahad celiyay hawsha qiimaha leh ee ay wasaaradda iyo qaranka ba u hayaan.
DAAWO: Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Kormeeray Xarunta Baraahadda Dastuurka:
Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.