Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Md Cabdilaahi Ibrahim Habane(Cabdilaahi Dheere) ayaà si cad Oo badheedha uga qaaday Hay’ada UNICEF mashruuc ay Ku guulaysatay isla markaana siiyay hay’ada Save the Children. Ka dib markii loo balan qáaday in laçag Badan ay siinayso hay’ada Save the Children Oo wasiirku gaar u leeyahay
Wasiirka ayaà Guddi u saaray ka kooban 94 qof Oo labadaasi Hay’adood Soo kala Saara. Gudidan ayaà ka kooban Khubaro iyo Masuuliyiinta Waxbarashada waxanay Gudidu cod u qaadeen labadaasi hay’adood midka mashruucan la siin lahaa.
Waxanay Kala heleen Unicef Oo heshay 94 cod iyo hay’ada Save the Children Oo heshay 92 cod. Sidaasina Waxa Ku guulaysatay hay’ada UNICEF in ay Maamusho Mashruucan Oo socon doona mudo saddex Sano ah lacagta ku baxaysaana tahay. 21 Malyuun Oo Dollar Oo Qaramada Midoobay ku bixinaysa Waxbarashada Somaliland
Hasa yeeshe wasiirka ayaà si badheedha uga hor istaagay hay’ada UNICEF mashruucaasi waxana uu siiyay hay’ada Save the Children in ay maamusho waxana isaga Oo fadhiya shirkii Oo cadho badani ka muuqato uu yidhi “MA siinaayo UNICEF mashruucan Oo Aniga xaq u leh in aan siiyo cida Aan Doono.”
Talaabada wasiirku Qaaday ayaà u muuqata mid joojin karta mashruucan maadama hay’ada UNICEF Hore mashruucan usoo.waday isla markaana imika Mar labaad ku guulaysatay hasa yeeshe.wasiirka Oo adeegsanaaya awooda xilkiisa ka hor istaagay Dib markii si hoose ay ula hadashay hay’ada Save the Children
Gudidii uu saaray wasiirku in ay Kala saaran labadaasi hay’adood ayaà aad uga cadhooday talaabada guracan ee uu qaaday Wasiirka Waxbarashadu
Mashruucan Waxa Ku baxaysa Lacag Badan Oo ah 21 Malyuun oo Dollar waxana ka faa’iidaysta bahda Waxbarashada ee Somaliland iyada Oo 300 Oo macalin mushahar joogto ah siisa. Tababaro iyo dhismayaal ayaà ku jira.