Daawo Muuqaal: Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Iscasilaadiisa

0
849

Hargeysa, (HargeisaPress) — Prof. Faarax Cilmi Geedoole, wasiirka waxbarashada Somaliland ayaa iska casilay xilkii uu qaranka u hayay. Wasiirka ayaa telefishanka Star tv u sheegay in gabi ahaanba xilkaasi iska casilay.

Prof Geedoole, ayaa ah musharax u taagan jagada Madaxweyne xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, taasi oo la filayo in lagu doorto shirka golaha dhexe ee Kulmiye ee loo qoondeeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha fooda inagu soo haysa.

Iscasilaadda Geedoole, waxay qayb ka tahay qorshaha ilaa 12 wasiir, wasiir xigeen, agaasime iyo afhayeenkii madaxtooyada Somaliland shalay isku casileen, iyagoo saluugsan dalab madaxweyne Siilaanyo hor dhigay oo ah in Kulmiye iyo xukumaddiisu taageerto Muuse Biixi, tartankana meesha laga saaro.

 

Garabkan musharaxiinta isbahaystay ee Kulmiye ayaa wali ku doodaya inay ku tartamayaan shirka golaha dhexe ee Kulmiye, balse ay go’aansadeen inay xukumadda dibadda uga baxaan maadaama madaxweynaha ay ku kala aragti duwanaadeen loolanka Kulmiye.

Mr Geedoole wuxuu madaxweynaha la soo shaqaynayay muddadii 5-ta sanno iyo dheeraadka ahayd.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here