Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo Guddoomiyaha Imtixaanaadka oo beeniyay warar laga-baahiyay Imtixaanka

0
1093

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Xasan Buuxane iyo Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ka hadlay qaabka uu dalka uga socdo Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo kuwa Hoose dhexe oo shalay furmay.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xafiiska imtixaanaadka qaranka, ayaa waxaa ay beeniyeen warar been abuur ah oo laga faafiyay Imtixaanka shahaadiga.

Waxaanay sheegeen in aanay wararkaasi waxba ka jirin islamarkaana ay yihiin kuwo lagu majaro habaabinayo Imtixaanaadka.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha, ayaa digniin u diray Ardayda kala duwan ee ka qayb qaadanaya Imtixaanka ee ku kaca rabshado ama qish, iyagoona sheegay in ardaygii ku kaca falal la xidhiidha rabshad ama qish uu mutaysan doono xadhig iyo maxkamad.

Waxay sidoo kale ay sheegeen in guud ahaan gobolada dalka uu si nabad geliyo ah uga socdo imtixaanaadka shahaadiga ahi oo aanay jirin wax lidi ku ah imtixaanaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here