Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Imtixaanaadka oo digniin culus diray

0
1093

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Aadan Buuxane oo uu weheliyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa si rasmiya u soo xidhay imtixaanka fasalada 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe, iyaga oo sheegay inuu ku soo dhamaaday si nabad-gelyo ah.

Ugu horayn, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in sannad kani yahay kii imtixaanku ugu dhibta yaraa, islamarkaana aanay jirin wax rabshada oo ka dhacday dugsiyada hoose, waxaana uu sheegay inuu guul u rajaynayo ardayda dhamaysatay iyo kuwa uu toddobaadkan gudihiisa u dhamaan doonaba. 

Guddoomiyaha, ayaa waalidiinta u soo jeediyay inay ardayda ka waaniyaan dhamaanba wixii caqabad ku keeni kara imtixaankooda.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa dhankiisa u hambalyeeyay ardayda uu imtixaanku u dhamaaday sidoo kalena Alle uga baryay inay guulaystaan, waxaana uu wasiirku u mahad-naqay waalidiinta iyo dhamaanba macalimiintii ardayda wax soo baray.

Wasiirka, ayaa si gaara ugu mahadnaqay ciidamada kala duwan ee heeganka u ahaa mudadii uu imtixaanku socday.

Ugu danbayna, wasiirka, ayaa digniin u soo jeediyay dhamaanba cidii isku dayda falal amni daro muddada uu imtixaanku socdo in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here