Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland oo kulan la yeelatay shaqaalaha wasaaradda

0
578

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa maanta kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la yeelatey shaqaale weynaha wasaaradda.

Ugu horeyn agaasimaha waaxda shaqaalaha, ayaa wasiirka cusub faah faahin ka siiyey xogta shaqaalaha iyo sida ay u shaqeeyaan Waaxaha kala duwan ee Wasaaraddu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Maxamed Cabdilahi Ducaale, ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyey Wasaaradda, waxaana uu agaasimaha guud xusay muhiimada ay Wasaaradda Qorshayntu u leedahay guud ahaan qaranka.

Intaasi kadibna shaqaalaha wasaaradda, ayaa dhankooda soo dhaweeyey Wasiirka cusub waxayna la wadaageen heer waxbarashada iyo shaqada ay wasaaradda u hayaan.

Ugu dambayna Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa Agaasimaha iyo shaqaalaha uga mahad celisay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen.

Wasiirka, ayaa shaqaalaha wasaaradda ku dhiiri gelisey dardar gelinta adeega shaqo ee ay wasaaraddu ugu xil saaran tahay qaranka si looga midho dhaliyo hiigsiga iyo himilooyinka qaranka.

Waxaa ay Wasiirku balan qaaday inay sinaan iyo cadaalad kula shaqayn doonto shaqaalaha isla-markaana ay xooga saari doonto sidii ay wasaaraddu u noqon lahayd wasaaraddaha dalka tan ugu shaqada badan isla markaana bixisa adeega ugu fiican.

Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Marwo kaltuun, ayaa waxay xustay in albaabkeedu noqon doono mid u furan dhamaan shaqaalaha wasaaraada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here